Agaasimihii Sirdoonka dalka Rwanda oo lagu xiray magaalada London.

Madaxii Sirdoonka dalka Rwanda Karenzi Karake ayaa Shlay lagu xiray garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London.

Booliska  ayaa General Karake gacanta ku dhigay waxaana wararka ay sheegayaan in xabsiga la dhigay, maahan markii ugu horreysay ee uu booqasho ku yimaado dalka ingiriiska.

Xarigan mas’uulkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Midowga Yurub ay ka dalbatay dowladda Britain inay qabato General Karake.

Karake ayaa dalka Spain ka ah WANTED, waxaana Maxkamad ku taal dalkaas ay sanadkii 2008-dii soo bandhigtay liiska afartan sarkaal oo uu ku jiro in loo heysto tacadiyo la xiriira xasuuq dhacay sanadkii 1994.

Maxkamadda Spain ayaa ku eedeysay General Karenzi Karake inuu amray dil wadareed dhacay intii uu ahaa Madaxa Ciidamada militariga  Rwanda. Ninkan oo 54jir  ah ayaa la filayaa in xabsiga lagu sii haayo, inta Maxkamad laga horkeenayo Maalinta Khamiista ah.

Sanadkii 1994 bilihii u dhaxeeyay April iyo June waxaa la dilay dad lagu qiyaasay 800,000 oo ruux, kuwaasoo loo dilay dagaal dhinaca qabaa’ilka ah oo lagu laayay qabiilka laga tirada badan yahay ee Tutsi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran