Mid ka mida dadka deegaanka oo Caawa lagu dilay gudha Degmada Marka.

Dilka ayaa sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah waxa uu ka dhacay Suuqa lagu iibiyo Cadayga ee Suuq weynaha Wajeer.

Ninka la dilay ayaa waxa magaciisa lagu soo koobay Cali Xamza kana mid ahaa dadka deegaanka.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa qaybaha sare ee jirkiisa kaga shannaqay dhowr xabo oo kuwo Bistooladaha ka dhaca ah, dilka ka dibna waxa y isaga baxsadeen goobta ka dib markii ay hubiyeen geerida Cali Xamza.

Dilkan ayaa imaanaya xilli weeraro joogta ah ay ka dhacaan gudaha Magaalada gaar ahaan gobaha ay degenyihiin Ciidamada Amisom ee Degmada Marka.

Sidoo kale Dilkan ayaa imaanaya iyadoo laba habeen ka hor Marka gaar ahaan halka loo yaqaan Rooyalka lagu Dilay Mid ka mid ah Macalimiinta Iskuulada Degmada kaas oo isagana magaciisa lagu sheegay Joog yaardi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran