Horjoogayaasha Kooxda Ahlu Sunna oo sheegtay in Gogol la dhigayo Magaalada Dhuus Mareeb.

Kooxda la magaca baxday Ahlu Sunna ee gacanta ku heysa Magaalooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guri Ceel ayaa aku dhawaaqday in gogol Maamul loogu dhisayo Gobalada dhxe ay taalo Dhuusa Mareeb.

“Horey ayaan u fidiney gogosha shirkan in lagu qabto Dhuusamareeb, waxaana ku yimid hakad, hadda iyo wixii ka danbeeya waxaan dardar gelineynaa sidii dadku u tashan lahaayeen maadaama ay gobolka ku soo bayteen kuwo doonayaa in ay gacanta u geliyaan al-Shabaab” sidaas waxaa yiri Shiikh Maxamed Shaakir Cali oo hadda ah ninka sii haya xilka guddiga fulinta ee Ahl-sunnah.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku goodiyey in Gobolka oo dhan laga sifeynayo Xarakada Shabaab oo Maamusha qaybo ka mid ah Galguduud.

Warkan kasoo baxay Kooxda Ahlu sunna ayaa imaanaya xilli gogasha taala Cadaado ay mareyso heer gabagaba ah, maalmaha soo aadanna la filayo in madaxda Maamulka goablada dhexe soo baxaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran