Kooxda Daalibaan oo qarka u Saaran inay la Wareegto Magaalo Madaxda Gobolka Kunduz ee Afgaanistaan.

Kooxda Daalibaan oo dagaalo xoogan kula jira Dowlada ka talisa Wadanka Afgaanistaan iyo Xulafada Mareekanka uu horboodayo ee Wadankaasi ku sugan ayaa weeraro joogta ah ku haya Maagaalooyinka Waaweyn xilli ay qarka u saarantahay inay la wareegto Magaalada Xarunta u ah Gobolka Kunduz.

Talibaanka ayaa hadda maamulaya magaalooyinka Chardara iyo Dashti Archi iyo weliba tuulooyin badan oo hoos yimaada.

Sida ay baahinayaan Wakaaladaha Wararka ee Caalamka qabsashada Degmooyinkaas ayaa Daalibaan waxay sidoo kale ku qabsadeen 80 askari oo ka tirsan Boliiska Wadankaasi, hadii Kooxdan ay u suuragasho inay la awreegaan Magaaladan xarunta ah ayaa waxay ka dhigantahay inay qabsadeen Magaaladii ugu weyneyd tan iyo markii laga fara Maroojiyey gacan ku heynta Wadanaka Afgaanistaan sanadii 2001dii.

Joornaalka Washington Post ayaa qoray in Xukuumadda Afqaanistaan u dirtey gobolkaas ciidamada sida gaarka ah loo tababaray, si ay magaalada u difaacaan.

Talibaanka ayaa dagaalkooda xoogiisa ka bilabey Waqooyiga Afqaanistaan, waxaana ka qayb-qaadanaya dagaalka Talibaanka Pakistaan ee ka soo baxsadey hawlgalada Pakistaan ka waddo Waqooyiga, iyo Jihaadiyiin ka tegey dalalka bartamaha Aasiya, sidaas waxaa Washington Post u sheegay General Cali Muraad oo ka tirsan ciidamada Afqaanistaan.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran