Shabaab oo loogu baaqay inay joojiyaan dagaalka iyo dilalka qorsheysan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Kadib markii Ururka Al Shabaab ay ku dhawaaqeen inay kordhiyeen weerarada iyo Bartilmaameedka ay ku hayaan xubnaha ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia ayaa qaar ka mid ah culimadda Somaliyeed waxa ay ku baaqayaan Shabaab inay joojiyaan dilalka ay wadaan.

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimadda Somalida ayaa sheegay in Bisha Ramadaan ay tahay bil cibaado, balse aysan aheyn bil dagaal iyo dilal la geysto.

Waxa uu Sheekhaan sheegay in kuwa dagaalka hurinaya sida Alshabaab ay hareer marsan yihiin shareecada Islaamka, ayna doodoodu tahay mid khaldan, waa sida uu hadalka u dhigay sheekha.

Dhalinyarada ka tirsan Ururka Al Shabaab  ayuu Sheekha ugu baaqay inay kasoo laabtaan Ururka Al Shabaab ayna qayb ka noqdaan Bulshadooda nabadda iyo wanaaga jecel.

Madaxii hore ee Sirdoonka Al Shabaab Sakariye Ismaaciil Xersi, ayaa sheegay sababta Shabaabka ay u kordhiyaan weerarada Bisha Ramadaan inay tahay in dhalinyarada lagu dhiiragelinaayo Bishaas oo dagaalka la kordhiyaa in la helaayo cibaado badan.

Bisha Ramadaan oo maanta maraysa 5 Shabaab waxa ay fuliyeen dilal qorsheysan iyo weeraro ay ku qaadeen xarumo ciidan oo Muqdisho ku yaallo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE