Wasiirka Arimaha Gudaha oo Sheegay in Ahlu Sunna looga yeeray Shirka Cadaado.

Wsiirka Wasaarada Arimaha gudha Dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen oo hada ku sugan Cadaado ayaa sheegay in kooxda Ahlu sunna ah ugu yeereen kasoo qayb galka Shirka ka socda Cadaadow.

Odawaa ayaa tilmaamay in ka maqnaashaha ahlu sunna aanu ahyn inay diideen shirka islamarkaana ay sugayaan mar walba in maalin un ay soo xaadiri doonaan.

Wasiir ayaa dhawaan isagoo wax natiija ah aanan keenin isaga huleelay Magaalada Dhuusa Mareeb ka dib markii uu fashilmay Shir wada xaajood ah oo ay wada qaateen Ahlu sunna iyo Dowlada Fedaraalka.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in Maamul ay u sameynayaan Gobalad dhexe dhawaanna ay gogol fidin doonaan Magaalada Dhuusa Mareeb.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE