Ardeyda Kenyaatiga oo la barayo sida laysaga difaaco Weerarada.

Wasiirka Waxbarashada Dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in Ardayda dhigata Dugsiyada Waxbarasahada Dalkaasi in la barayo siday isaga difaaci lahaayeen weerarada lagu qaadayo Iskuulada.

In layska difaaco weerarada ayaa qayb ka noqon doonta duruusta caadig ah ee lagu qaato guud ahaan Iskuulada waxbarasho ee Dalkaasi.

Warkan kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada Dalkaasi ayaa imaaneysa ka dib markii weerar Dagaalamayaasha shabaab ay ku qaadeen Goob waxrasho uu ku taala Gaariisa halkaas oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 150 arday.

Sidoo kale Wasaarada waxbarashada Kenya ayaa sheegtay in in Iskuulada loo sameen doono Xayndaabyo si loola socdo amaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE