Dadka u geeriyooday kululka Wadanka Bakistaan oo sii kordheysa.

Dalka Bakistaan ayaa ku jiraa xaaladatii ugu xumeyd oo in muda ah soo mart aka dib markii heerkii ugu sareeyey uu gaaray heer kulka wadankaasi.

In ka badan 77 ruux ayaa u geeriyootay kulaylka xad dhaafka ah ee xilligan ka jira Bakistaan.

Waxa buuxsamay Isbitaalada iyo goobo cayiman oo loogu talagalay in la dhigo bukaanada Halka ugu daran ee dhimashada ugu badan ka dhacdey ayaa ah Magalada ugu dakdka badan Bakistaan ee Karachi. Waxaana u badan dadka geeriyoodey kuwa aan guryaha lahayn iyo dadka waaweyn ee xanuunada u nugul.

Heerkulka ayaa gaarey malintii Axadda Karachi 43C, laakiin magaalada kale ee ku taala xuduudka Bakistan iyo Iran ee Turbat ayu garey 49C, sida laga soo xiganayo hay’adda saadaasha hawada ee Bakistan.

Waxaa buuxsamey isbitaalada, waxaana dadka u shaqeynaya dhalinyaro iskood isu xilqaamey. Seemin Jamali oa shaqeysa Isbitaalka Jinnah Postgraduate Medical Centre, ayaa sheegtey in daqiiqad kasta qof kuleyku soo ritey la keeneyey qaybta gargaarka deg-dega ah ee Isbitaalka, waxaana la soo gaarsiiyey dad ka badan 5000 oo qof

Bishii hore ayaa wadanka deriska ay yihiin Bakistaan ee Hindiya waxa kuleylka dilay in kabadan 2000 oo qof.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE