Dhageyso: Qurba joog soo dhoweysay Maamulka cusub ee loo sameeyay Magaalada Marka.

Kadib markii waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka magaalada marka uu wadashi socday mudo laba isbuuc ayaa waxay shirkooda kasoo saareen warmurtiyeed, waxaana ay ku dhawaaqeen maamul ay yeelaneyso magaalada Marka.

Maamulka ay waxgaradkan ku dhawaaqeen ayaa ah mid ay u dhan yihiin dadka deegaanka, waxaana durbaba maamulkaan soo dhoweeyay waxgaradka, aqoonyahanada qurba joogta gobolka shabeellaha hoose.

Talaabadaan ay odayaashan qaadeen ayaa miradhal ka dhigeysa halganka dheer ee loosoo galay sidii gobolka shabeelaha hoose looga sifeyn lahaa mooryaanta kasoo hayaantay gobolada dhexe.

Hadaba waxaa shabakada wararka caalamiga ee raaxoole Media lasoo xiriiray jaaliyada boqortooyada sucuudi carabiya oo taageeray maamulka ay odayaasha u sameeyeen magaalada Marka.

Halkan ka dhegeyso Wareysiga oo dhameystiran.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran