faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Cisbitaalka xoogga ee magalada Muqdisho.

Waxaa Goordhaw Weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah ay la socdeen Saraakiil katirsan Dowlada Imaaraadka Carabta xili ay marayeen agagaarka Isgooska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay gaari Cabdi Bille ah oo kamid ahaa Gawaari Dagaal oo ilaalinayay Saraakiil u dhalatay Dalka Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ku sugnaa.

In ka badan 12-qof oo isugu jira Ciidan iyo shacab ayaa ku dhintay Weerarkaasi ismiidaaminta ahaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo aad u badan kuwaa oo loola cararay Isbitaalo kuyaala Magaalada Muqdisho.

Qof Goobta qaraxu ka dhacay ka ag dhowa  ayaa soo sheegay in Weerarka Ismiidaaminta ah uu ka dhashay qasaarooyin aad u xoogan, waxa uu tilmaamay in halkaasi ay yaalaan dhiig badan iyo hilbaha qaar kamid ah dadkii ku dhintay.

Lama oga in qasaaro uu qaraxaasi kasoo gaaray Saraakiishii Imaaraadka Carabta ahaa ee lasocday kolonyada la weeraray, waxaana goobta uu weerarku ka dhacay Ciidamo katirsan Dowlada kuwaa oo dadka ku kala eryayay rasaas.

Weli lama haayo cid sheegatay qaraxaas lala eegtay saraakiishaas ka tirsan Emaarka Carab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE