Odayaasha ku sugan Muqdisho oo Wasaarada Gaashaandhiga Weydiistay in loo galbiyo Maamulkii Dhawaan lagu sameeyey Afgooye.

Xilli sida Muuqata ay jirto baqdin iyo tuhumo ku aadan sidii loo saagalbin lahaa Maamulka dhawaan loga dhawaaqay Degmada Afgooye islamarkaana loosoo gaarsiin lahaa Deg Marka ayaa Odayaasha ku sugan Muqdisho waxay Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowlda dhexe weydiisteen in laga gacansiyo arintaas.

Xog dhameystiran oo ay heleyso Shabakada Markacaey.com ayaa sheegeysa in kulan ka dhacay Muqdisho ay wada qaateen Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Xukuumada Fedaraalka iyo iyo Odayaasha ismagacaabay kaaso oo lagu gurfeynayey sidii Maamulka loogu soo galbin lahaa Marka.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada GaashaandhigaSoomaaliya Cabdalla Xuseen Cali ayaa ugu dambeyn si buuxda u qaatay in Maaulka Marka lagu galbin doono Mid ka mid ah Guutooyinka Dowlada Muqdisho.

Horay ayaa waxa u jirtya in Maamulkaasi galnintiisa loo xilsaaray KaabaMooryaantii Shabelle State hase ahaatee waxa jirta baqdin kasoo wajahday dadka degaanka Maadaama kaaba Mooryaanta aynaan ku dhiirarkarin galbinta Maaulka iyadoo ay igyihiin dhalanyaradii qoryaha la hor istaagtay ay weli joogan.

Markaad u eegto qaabka uu ku yimid Maamulkan oo iyo baqdinta Odayaasha kasoo wajahday sida loo keeni lahaa Marka ayaa muujineysa in aynaan jirin kalsooni buuxda oo ka dhaxeysa Odayaasha Ismagacaabay iyo Taliska Ciidanka deegaanka.

Wasiirada Koonfur galbeed oo beri hore ku fashilmay Safaradii ay halkani ku yimaadeen ayaa gaashaanka u daruuray inay ka mid noqdaan Safarka lagu imaanayo Marka walow ay suuragal tahay inay soo raacaan Cabdall Xuseen oo inta badan Odayaasha ismagacaabay ay u adeegsadaan meelaha ay caqabada kasoo wajahdo.

Waxaan sugeyno ayaa ah Maalinta uu Maaulkan gaaro Marka iyo Cida soo galbineysa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran