Akhriso Dagaalamayaasha Shabaab oo Bayaan kasoo saaray Weerarkii ay ku qaadeen Deegaanka Leego.

Dagaalamyaasha Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan ay ku faah faahinayann khasaaraha weerarkii ka dhacay degaanka leego ee gobolka Sh/hoose ka dib markii ay weerareen xero ay deganaayeen Ciidamada Amisom.

shabaab ayaa bayaankooda ku sheegay in weerarka loogu aar gudayay aflagaadadii ay Faransiisku u geysteen Nabigeena SCW.

Hoos Ka Aqriso Bayaanka

Duulaankii Aargudka Ee Sharafta Rasuulka Alle. صلى الله عليه وسلم

Ramadaan 10, 1436 (27/06/2015) – Mahad oo idil waxay u sugnaatay Allah ee Yiri:

                                   [Al-Anfal 17]     فلم تقتلوهم ولكن الله قتلهم وما رميت إذ رميت ولكن الله رمى وليبلي المؤمنين منه بلاء حسنا إن الله سميع عليم

Naxariis iyo Nabadgalyana dushiisa ha ahaato Rasuulkeena Muxammad صلى الله عليه وسلم   ee yiri: “Waxaa la ila soo saaray seyf saacadda qiyaama horteeda si aan u sugo in Allaah kaligii la caabudo iyadoo aan cidna lala wadaajineynin, Rizqigeygana waxaa laga yeelay mid ku jira harka warankeyga hoostiisa, Hoog iyo dullina wuxuu u sugnaaday qofkii qilaafa amarkeyga, Qof qom isku ekeysiiyana iyaguu ka mid yahay”

Shantii Aroornimo ee subaxnimadii Jimcaha, oo taariikhduna ku beegneyd sagaalka bisha Ramadan 1436H, Ciidamo Mujaahidiin ah oo ka tirsan Guutada (Ash-shahiid Sheykh Abu Zubeyr) ayaa weerar Iqtixaam ah ku qaaday saldhig ciidamada saliibiyiinta ee Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Leego ee Wilaayada Sh/hoose, Waxaana dagaal xoogan ka dib ay Mujaahidiintu la wareegeen saldhigga, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 80 askari oo saliibiyiin ah, Wuxuuna ahaa aargud loo sameeyey sharafka iyo Cirdiga Nabigeena Muxamad  صلى الله عليه وسلم

Ciidamada Mujaahidiinta oo balan iyo dhaar kuwada maray in ay saliibiyiinta ka aargudan doonaan – gaar ahaan ciidamada Burundi iyo mudanayaashooda Faransiiska – Aflagaadadii ay kula kaceen Rasuulka Alle, Ayaa ugu horeyn camaliyadda ku daahfuray weerar Istish-haadi ah oo  lagu beegsaday Ganjeelka Saldhigga, taas oo wadada u furtay ciidamada Mujaahidiinta ee iqtixaamay ama xoogga ku galay xerada.

Iyagoo adeegsanaya xeelado qorsheysan iyo taaktiik heer sare ah ayey muddo kooban ka dib ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan Xerada, Waxayna intaas ka dib bilaabeen howl gallo lagu xaqiijinayo Amaanka Saldhigga, laguna baadigoobayo haraadiga Saliibiyiinta.

Allah fadligii, Waxay Mujaahidiintu qasaare culus dhabarka u saariyeen ciidamada Saliibiyiinta, Iyagoo wiiqay awoodooda, sidoo kalena ka soo ganiimeystay dhamaan keydadkii hubka ee saldhigga oo isugu jiray gaadiid iyo hub calculus, ka hor inta aysan Mujaahidiintu gubin saldhigga oo aysan burburinin guud ahaan dhismaha xerada.

Sidoo kale meydadka 60 Askari oo ka mid ah Ciidamada Saliibiyiinta ee lagu dilay weerarka ayaa waxay hadda ku jiraan gacanteena oo Mujaahidiinta ayaa ka soo daad gureeyey xerada gudaheeda.

Weerarkan Barakeysan oo ka dhacay meel u dhow isla goobtii laba todobaad ka hor lagu xasuuqay ciidamada Xabashida Itoobiya, Wuxuu Allah fadligii isna ahaa mid si dhameystiran loo soo duubay, Mu’asasada AlKataa’ibna waqti dhow ayey soo gudbin doontaa muuqaalada iyo sawirada weerarkaas Insha’allaah.

وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ

Press Office.

Harakat Al-Shabaab Al Mujahideen

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran