Dowlada Burindi oo Qiratay in Askar badan looga Laayey Dagaalkii Leego.

Maalintii Shalay ahayd Deegaanka Leego oo ku dhow xadka ay wadaagaana Shabeelada hose iyo Baay ayaa fariisin ay ku lahaayeen Ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa ka socda Dowlada Burundi waxa lagu qaaday Weerar culus oo u muuqday mid laga soo baaran degey.

Weerarkaas ayaa shabaabku ku sheegteen guulo iyagoo ku faanay imay dileen asakar badan oo ka tirsan kuwii ay ku weerareen Xerada Leego.

Dowlada Burundi ayaa dhankeeda qiratay in askar badan looga dilay weerarkii shalay lagu qaaday xeradii ay ku jireen.

Afahayeen u hadlay Milateriga Dalkaasi ayaa sheegay in askar gaareysa 50 askari shalay looga dilay dagaalkii ka dhacay Leego.

Weerarka shalay subax aroortii ciidanka Shabaab ay ku qaadeen Xerada ciidanka Burundi ay kaga sugnaayeen deegaanka Leego, ayaa ku biloowday weerar Ismiidaamin loo adeegsaday oo baabuur waxyaabaha qarxa ka buuxaan lagu qarxiyay Irida ciidanka ay ku sugnaayeen, kadibna waxaa galay ciidamo Shabaab ka tirsan oo dagaalamaayay.

Khasaaraha ciidanka Burundi kasoo gaaray weerarkaasi oo ah mid aad u badan ayaa la sheegayaa in dhimashada Askartooda ay gaarayso ilaa 70 Askari, maadaama ciidanka Burundi ay ku dhex-wareereen ciidanka Somalida iyo kuwa Shabaab oo tuutaha Milateriga kawada sinaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran