Dhegeyso Nabadoon Abuukar Ooyow “Maxay u geeriyoodeen Wiilasheena Hadii Mooryaan naloosoo Sharciyeynayo?”.”.

Nabadoon Abuukar Ooyow oo ka mid ah wax garadka kasoo jeeda Shabeelda hoose oo la hadlay Markacadey ayaa sheegay inay si aad uga soo horjeedaan xubno ka tirsan Maamulka Cusub ee la filayo inuu dhawaan soo gaaro Magaalada Marka.

Abuukar  ooyow ayaa ku nusuxnuuxsaday in marnaba aanu yeeli doonin dhibaatadii shalay ay ka qaateen qoriga in Maanta iyadoo sharciyeysan ay qaataan.

“Hadii lasoo magacaabayo dhiigya cabyadii shalay na dhibaateeyey muxuu wiil u geeriyooday, gabar asaay u qaaday, gurya loo gubay wax aan aqbaleyno maahan” ayuu yiri Abuukar Ooyow.

“waxan u shegeynaa dad ismagacaabay Nasabnimadooda ha fiirsadeen, yey ku kadsoomin umadan inay dhibaateeyaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Nabadoon Abuukar.

Dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE