Nin Nabadoon ah oo goor dhow lagu dilay Magaalada Marka.

War gor dhow soo dhacay ayaa sheegaya in Nabadoon caan ah lagu dilay guafaha Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka shabeelada hoose.

Dilka ayaa sida wararku sheegayaan waxa uu ka dhacay Xaafada Ceel Bashiirow, gaar ahaan kasoo horjeedka Ceelka Xaafadaasi loogu magac daray, Marxuumka geeriyoodaya ayaa magaciisa waxa lagu soo koobay C/qaadir iyadoona aan la ogeyn sababta ka dambeysa Dilkiisa.

kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa qaybaha sare ee jirkiisa ku dhaftay dhowra xabadood waxaana halkaasi ku qurbaxay Marxuumka iyadoona ay goobta isaga baxsadeen kooxihii Dilka ka dambeeyey.

Xilliga Dilka dhacayey ayaa la sheegay inay ahayd Salaada Maqrib ka hor Xiili uu kusii jeeday gurigiisa si rasmi ahna looma oga sababta Dilkan ka dambeysa.

Waa Dilkii Seddaxaad oo ka dhaca gudaha Magaalada Marka inta lagu guda jiro Bishan Barakeysan ee Ramadaan.l

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran