Dhegeyso Aqoonyahaan Cumar Macsaro oo ka waramaya Shirqoolka lala damacsanyahay Dadka Reer Shabeelada hoose.

Cumar Maxamed Cusmaan (Cumara Macsaro) oo ka mid aha Aqoonyahaanada Shabeelada hoose oo Wareysi dhinacyo badan taabanaya siinayey Mid ka mid ah Warbaahinta ka faaloota arimaha Gobolka Shabeelada hoose ayaa ka hadlay fashilka Maamulka Shariif Xasan kasoo wajahay xaalada Shabeelada hoose.

Macsaro ayaa tilmaamay in dhibaato xoog leh ay ka jirto deegaanadii lagu dagaalamey, laguna guldareystay in wax laga bedelo sida uu xaalka hada yahay.

sidoo kale wuxuu dhaliil usoo jeediyey Odayaasha Ismagacaabay ee Fadhiidka ku ah Muqdisho uu oo ku dhaliilay siday u wajahayaan Siyaasada Shabeelada hoose, iyagoona sida uu yiri wax kasta kadoorbidaya danahooda oo ay ka dhex arkeen dalaalnimada ay ku howlanyihiin.

sidoo kale Cumar Macsaro waxa uu taageero kal iyo laab uu uu diray Odayaal dhaqameed Kasoo jeeda Beesha Biimaal oo dhawaan ku dhawaaqay Maamul ay dadka deegaanka soo doorteen

dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE