Ciidmada Midowga Afrika oo Dib ula Wareegay Xeradii laba Maalin ka hor lagaqabsaday.

Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ayaa mar kale dib waxay ula Wareegeen Xerada Dhawaan laga saaray ee Deegaanka Leego.

Ciidamada oo Laba jiho ku kala tagay Lego ayaa Duhurnimdii Maanta waxay gaareen Xeradii laba Maalin ka hor ay kala wareegeen Dagaalyahaanada Shabaab.

Ciidamo Kasoo tagay Degmada Buurhakaba ayaa dhanka galbeed kaga yimid Leego halka Ciidmada kale oo Amisom ahna oo ay wehliyaan Ciidamo Soomaali ah oo ka tirsan Guuto Lexaad ay Leego ka galeen dhanka Bari.

Sarkaal ka tirsan Amisom ayaa barta ay ku kulmaan Bulshada ku faafiyey in Duhurnimadii Maanta ay markale Amisom u suuragashay inay gaaraan Xeradii laga saaaray.

Ma jirin wax iska hor imaad ah oo u dhaxeeya Shabaab iyo Amisom, waxaana la ogeyn halka ay qabteen Ciidamadii Shabaab ee dhawaan halkaasi la wareegay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE