Dhegeyso Gudoomiye Yarisow “Waxaan ku dhawaqaynaa Maamul loogu magac daray koonfur Bari”.

Gudoomiyihii Xilka laga Xuyuubiyey ee Degmada Marka Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in Maamul Cusub oo loogu magac daray Koonfur Bari dhawaan loo sameen doono qaar ka mid ah Gobalada Koonfurta Soomaaliya.

waxa uu sheegay in hada ay socdaan dadaalo iyo wadatashiyo ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa howlaha Maamulkaasi oo ka koobnaan doona Seddax Gobol.

Gudoomiyihii Xilkiisa Waayey ee Yariisow ayaa ku tilmaamay Maamulka Shariif Xasan mid kaligii taliye ah oo aan shacabka u turun islamarkaana dhibaato ku haya sida uu yiri shacabka reer shabeelada hoose.

Dhegeyso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran