Dibada Bax looga Soo horjeedo Maamulka Cadaado lagu dhisayo oo lagu qabtay Garowe (Sawiro).

Dowlada hoose ee Garowe ayaa Maanta Banaanbax looga soo horjeedo Madaxda Dowlada Fedaraalka ku qabatay fagaare ku yaala Garowe.

Dibada baxa oo ahaa mid aad u ballaraan ayaa waxa ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Maamulka Garowe iyo kan Gobolka Nugaal, sidoo kale dibad baxa waxa ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntaland.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qaylinayey halkudhigyo ka dhan ah Dowlada Fedaraalka iygaoo sidoo kale sitay boorar ay ku qoranyihiin erayo ay ku muujinayaan siday uga soo horjeedaan Maaulka howshiisa ay ka socoto Magaalada Cadaada.

Duqa Degmada Garoowe Axmed Siciid Gelle ayaa sheegey inay difaacayaan Dalka iyo Dadkaba, waxaa uu xusay inaysan ogolaan doonin in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Puntland ku sugnaadaan Muqdisho iyadoo dalkoodii la bur-burinayo.

“Dad waa la heelaa laakiin dhul lama helo, waan difaacaynaa dhulkeenna mana ogolaaneyno ina la bur buriyo, waxaan sidoo kale wax laga xumaado ah isla markaana aanan ogolaan doonin in Xildhibaanadda DFS ee Puntland daganyihiin Hoteello ku yaalla muqdisho iyadoo dalkii la duminayo”Ayuu yiri Duqa degmada Garoowe.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/llaahi Ciise Aw-axmed oo isna Goob joog ka ahaa Mudahaaraadka ayaa tilmaamey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ku fashilantay siyaasadda Dalka, Isagoo sheegay in h adana goboladda dhexe ay ka wadaan nidaam horseedaya dagaal sokeeyey.

DSC03650-100x100

DSC03712-100x100 DSC03686-100x100 DSC03654-100x100

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran