Mashruucii Wardheer Bilowgii Shirqoolka iyo dhameystirkii Afgooye (Warbixin).

Hal Sano ka hor Maanta oo kale iyadoo hal bil laga joogo markii laga qaxay inta badan deegaanka ayna gacanta ku dhigeen Mooryaan ayaa waxa bilowday qaab farsameysan oo lagu dhantaali karo cududii Mideysneed ee deegaanka gaar ahaan go’aankii dhaqanka iyo midka dhalanyarada dagaalameysa.

Go’aanka deegaanka oo markaasi jiray ayaa ahaa in aanu dhicin wadahadal kaliya uu Masiirka yahay in la dagaalamo si loo soo celiyo Dhulka Cadowga uu la wareegay.

Tiro laba jeer ah Ceeljaale waxa soo caga dhigatay Diyaarad siday wafdi u jeedkiisu ahaa inay dhex dhexaadin ka galaan dagaaladii markaasi jiray, iyado laga dhabeynayo go’aanada waxa furmi waayey shir xitaa kulan dhex mara deegaanka iyo Wafdigii lasoo diray.

Go’aankaasi wanaagsani ayaa niyad wanaag waxa uu u ahaa qab qablayaasha Muqdisho oo u arkayey in la joogo goortii uu bilaaban lahaa Masruucooda iyagana ay yihiin kuwa kaliya ee fur furi kara Deegaanka.

diyaad qaas ah oo laga soo diray Muqdisho ayaa lagu soo qaaday dhalanyaro iyo Odayaala waxa lasoo dejiyey Hotel Wardeer oo ku yaal Wadada Makka Almukarama ee Muqdisho.

Dadkii Meeshaas la’isugu keenay waxa laga dhaadhiciyey laba arin, waa mida koowaade in loo socdo Shirk a furmi doona Baydhaba oo lagu heshiiyey in lasoo dhiso Maamuul Seddax gobol ka kooban iyo in gogol ay codsadeen Beesha Mudulood si ay isaga ber yeelaan dagaalada Markaasi jiray.

Oraah horaa ahayd “Ninka Raga waa ogyahay Meesha loo socdo doqonse loo sheegi maayo” qof walba oo waxgal ah ma ahayn qof loo tilmaami karo ujeedka meesha loo yimid halka dadka qaar dhegta wax loogu sheego ay ahaayeen kuwo haysta wixii dhegta loogu shubay.

Waxa jiray Shirar Madadaalo ahaa oo ka dhacay gudaha Wardheer si loo maaweeliyo Ergadii halkaasi lasoo dejiyey mid ka mid ah Odayaasha ismagacaabay ayaa inta Maalin kasta oo shirka furo ayaa ku fur furan jiray “haye Maxan isku ognahay Habar gidir (dhul boob) in aan lala shirin, waxa naga dhaxeeyana maxaa waaye dagaal noo faataxeeya”.

kulan hordhac u ahaa shirqoolda ayaa lagu qabtay Hotel City plassa ee Muqdisho, Beesha Mudolood waxa meesha looga qaatay 50 Milyan oo shilin Soomaali ahaa 10 Milyana ayaa markaasi loo qaybiyey Ergadii Shirka halka 40 Milyana ay soo qaateen 4 Odaya oo Markaa Mashruuca ku heshiisay.

Markii uu idlaanayeu Shirkii Mudulood iyo Biimaal Ugaaska Mudulood ayaa ka shanqariyey hadal horay loo sii diiyaariyey cida Jawaabteeda bixin lahayd “ Waxan rabnaa in si danima ah ah aan u galno adinka iyo walaalihiina Habar gird si loo joojiyo dhiiga daadanaya (ar af macaa) hal odaya oo ka mid ahaa raga ismagacaabay ayaa si hal heel ah ku yiri waad gali kartiin waana u fasaxantihiin”.

Hadalkaasi ayaa yara bidhaamiyey ujeedka Meesha loo yimid hadana waxa jirtay in xoogaa laysku maandhaafay warka Mudulood iyo jawaabtii Odaygii Xamaasadeysnaa, ugu dambeyna Ugaaskii Abgaal ayaa lagoonsiiyey miradhalka heskii horay u dhex maray isaga iyo Odayaasha ismagacaabay.

Waxaana meesha ku bur buray go’aankii deegaanka oo ahaa in aan lala kulmin reer dhul boob oo markaa ku naaloonayey inay haystaan inta badan dhulka.

Inta aan lala kulmin Kaaba Mooryaantii Habar gidir waxa jiray booqashao ay Hotel Wardheer ku tageen siday sheegayaan dadkii meesha la dejiyey Xillibaano Hawiye ahaa weliba kuwii ugu badnaa oo dagaalada Afka kula jiray siyaasiyiinta Biimaal.

xillibaandaas ayaa kulankii Biimaal looga qaatay lacag dhan $2500 oo lagu sheegay inay tahay xaqul Ciidka Ergada maadaama guryahooda ay qabsadeen wiilashooda, waxaana meeshaas lagu qaatay lacagtaas oo aan la gaarsiin dadkii madaxooda lagu helay laakiin waxa jirtay laba qof oo ka war haysay lacagtaas oo si dhuumaaleysi ah loo siiyey $150 oo lagu aamusiyey.

Wuxuu ahaa qorshe iyo dhagar horey loo degeya weliba si qaabeysan ayuu Masruucaas ku socday waxaana jirtay in waqti walba la degayey dhagar hor leh oo isugu jirta lug gooyada dadka deegaanka iyo kasii macaashka dhiiga markaasi daadanaye.

Qorshayaashaasi Maalinba waji cusub ayey yeelanayeen iyadaoona ugu dambeyn gabagabdiisa Afgooye loo fariistay.

Lasoco qaybata kale.

W/q Mursal Dabiib.

Dabiib@hotmail.com.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE