Dibadbax looga soo horjeedo Shirka Cadaado iyo Madaxda Dowlada oo Maanta ka dhacay Gaalkacyo.

Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay Maamusho DowladGoboleedka Puntland ayaa waxa Maanta ka dhacay Dibax ballaaran oo loogooga soo horjeedo Madaxda Dowlada Fedaraalka iyo Shirka Maamul u sameynta Galmudud ee Cadaado loo fadhiyo.

Dibadbaxayaasha ayaa watay boor uu ku qornaa halkudhigyo ka dhan ah Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo siday uga soo horjeedaan fadhiga Cadaado.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdi Qaadir Shire Faarax Ereg oo la hadlaayay Bulshadii banaanbaxa isugu timid, ayaa sheegay in Dowladda Federalka Somalia ay wado kala qaybin ku aadan shacabka Gobolada Puntland ku nool.

Wuxuu sheegay inaan marnaba la bedeli karin xuduuda Maamulka Puntland, sidoo kalena dhul Puntland ay leedahay aan ciyaar ciyaar lagu qabsan karin.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku qayliyey in Madaxweynaha Dowlada Fedaraalka ee Xasan Sheekh Maxamuud uu Gobolka Mudug uu ku gali doono fiisa Puntaland ah.

?????????????
?????????????

 

?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????

513

?????????????
?????????????
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE