Sarkaal Ethopiyan ah oo Isku dhiibay Xarakada Shabaab.

Sarkaalkan oo ka tirsanaa Ciidamada Amsiom ayaa isku dhiibay Dagaalamyaasha Xarakada Shabaab ee ku sugan Gobolka Baay.

Sida ay sheegayaan wararka ku aadan inuu isdhiibay ayaa ahaa kuwoo si weyn isugu soo tarayey, waxaana warbaahinta ugu dambeyn u xaqiijiyey Gudoomiyaha Dowlada Fedaraalka ee Degmada Qansaxdheere.

Waxaa uu sii maray Deegaan lagu magacaabo Geeriyow isagona gaaray Deegaanka Ufurow oo ay ku suganyihiin Shabaab.

Si rasmi ah looma oga Sababta ka dambeysa in Sarkaal Ethopiyan ah uu isku dhiibo Dagaalamayaasha Shabaab oo Dagaal xoogan kula jira Amisom iyo Dowlada Fedaraalka.

Weli kama hadlin Taliska Amisom iyo Dowlada Ethopia oo uu uu ka tirsanaa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE