30 juun Sanadii 2008dii Maanta oo kale Maxaa ka dhacay Shabeelada hoose? (Warbixin).

• Nasiib daro, Faaduma Suldaan C/raxmaan Cali (Faama Xaajow), waxaa la afduubtay 30kii June 2008dii iyadoo ay la socdaan Maxamuud Cabdi Aadan, Cali Macow, Maxamed Sheekh Cabdi iyo darawalkoodii gaariga u waday Maxamed Ciise Biil (Maadeey Biil) iyagoo maraya meel ku dhow Afgooye.

Baaq ay si wadajir ah usoo saareen qooysaska ay kasoo kala jeedaan:- 1. Faadumo Suldaan C/raxmaan Suldaan Cali(Faama Xaajow). 2. Maxamuud Cabdi Aadan 3. Cali Macow 4. Maxamed Sheekh Cabdi 5. Maxamed Ciise Biil(Maadeey Biil) Ayaa waxaa lagu sheegay, in shanta qufood ee magacyadooda kor lagu soo xusay ay afduubanyihiin muddo toddobo sano ah, iyadoo aan laga war heyn nolol iyo geeri waxa ay ku suganyihiin.

Dadkaas waxaa la afduubtay 30kii Juun 2008dii, waxaana laga afduubtay meel ku dhow Degmada Afgooye iyagoo kusii jeeday magaalada Muqdisho kana soo kicitimay Magaalada Marka. Waxay ahaayeen shaqaale u shaqeeya hey’ad Samafal oo la yiraahdo Water For Life (WFL) oo fadhigeedu ahaa magaalada Marka.

Waxaan umadda Soomaaliyeed, shacab iyo Xukuumadba, iyo hey’adaha u dhaq-dhaqaaqa xuquuqul insaankaba ka codsaneynaa in ay soo badbaadiyaan dadkaas ku afduuban gudaha dalka Soomaalya muddaas dheer ee toddobada sano ah.

Waxay baaqooda ku xuseen, in dadka wax garadka ah ee Soomaaliyeed ay u kacaan oo ay soo badbaadiyaan dadkooda.

Waxaa u baahan caruurtooda waxaa u baahan xaasaskooda waxaa u baahan waalidkooda ayay baaqooda ku xuseen. Waxay baaqooda kusoo gebagebeeyeen, in dadkaas ay ahaayeen kuwo ka shaqeynaayey howlo samafal oo bulshada u adeegayay aysana jirin cid ay wax u dhimeen. Waxay ahaayeen shaqaale u shaqeynaayey hey’adda WFL oo aheyd hey’ad samafal oo la ogyahay howlaha ay ka qabatay Gobolka Sh/hoose.

Waxaa dadkaas ka mid ahaa Faadumo Sulddaan C/raxmaan Suldaan Cali(Faama Xaajow) oo la dhalatay Maano Suldaan C/raxmaan Suldaan Cali(Maana Xaajow), oo madax sharafeed loogu magacaabay hey;addii ay hoggaamin jirtay Marwo Maano Xaajow ee AGOONTA AYUUB.

Waxaan idin soo gudbin doonaa Taariikda Muwaadiniintan iyo Cidda si tooska ah amartay Afduubkooda iyo goobtii ay ku sugnaayeen markii la weynayey Xogtooda insha allah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE