Alshabaab oo Soo bandhigay Sarkaalkii Itobiyanka ahaa ee Isku dhiibay iyo Sarkaalka oo ay Islaamisay.

Munaasbad ka dhacaday Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxa lagu soo bandhigay Sarkaal Itobiyaan ahaa isku soo dhiibay Xarakada Shabaab.

Sarkaalka Isa soo dhiibaya waxa lagu magacaabi jiray Talahuna kaas oo qaabilsanaa Saadka Ciidamada ku sugnaa Degmada Qansaxdheere.

Munaasabada lagu soo banhigayay Sragaalkan Itoobiyaanka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan Gobolada Baay iyo Bakool Sheekh Mucalim Geedow, waxa uuna cadeeyay Gudoomiyaha in ay soo dhaweenayaan Sragaalkan kasoo baxasady Ciidamada Itoobiya dhankoodana isku soo dhiibay sidoo kale qaatay diinta Islaamka.

Waxaa Sidoo kale goobta munaasabada ka hadlay Col.Talbun oo ah sarkaalka Itoobiyaanka ah ee qaatay diinta Islaamka’ kana soo goostay ciidamada Itoobiya ,waxa uuna tilmaamay in uu ku faraxsan yahay in uu kasoo baxay Ciidamada Itoobiya uuna qaato Diinta Islaamka dhinacoodana uu istaago Al-Shabaab.

Taliska Amisom ayaan weli ka hadlin Sarkaalka Itoobiya u dhashay eek a mid ahaa Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya oo si lama filaan ah igu soo dhiibay dagaalamyaasha Shabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran