Axmed Madowe oo Itobiya kala soo kulmay waji gabax.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxay ka wada hadleen xaalladda Siyaasadda ee dalka Somalia iyo Dagaalladda ka dhanka ah Al-shabaab.

War Saxaafadeed ay Dowladda Itoobiya ka soo saartay Kulankaasi ayaa lagu sheegay in Shiikh Ahmed Madoobe ka codsaday Dowladda itoobiya inay dadaal u gasho sidii loo xalin lahaa khilaafyadda ka dhex alloosan Maamulkiisa iyo dowladda Federalka iyo Maamul-goboleedka K/Galbeed Somalia.

Ahmed Madoobe waxa uu sheegay inuu u baahan yahay inay Dowladda Ethiopia dib-u-heshiisiin dhex dhigto Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Somalia maadaama baarlamaanka Jubba si dimuquraadi ah loo soo doortay ayna u baahan yihiin in la badbaadiyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, waxa uu ugu baaqay Dowladda Ethiopia inay xaliyaan khilaafka fudud ee Maamulkiisa kala dhexeeyo Maamul-gobaleedka ay deriska yihiin ee K/galbeed Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ka hadlay Kulankaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay Hogaamiyayaasha Soomaalida dhexdooda si nabad buuxda u xaliyaan khilaafkooda iyadoo aan faragelin shisheeye lagu samaynin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran