Ciidamada Falastiin oo Weeraro gaadma ah ku haya Yahuuda Xooga ku Degen dhulkooda.

Ciidamada Falastiin ayaa weeraro gaadma ah waxa ay ku dhaawaceen dad Yahuudi ah oo ku sugnaa dhulka ay xooga ku degentahay Yahuuda ee Daanta Galbeed.

Waxaa lasoo sheegayaa qaar ka mid ah dadka Weerarka lagu qaaday inuu dhaawacuudu culus yahay ka dib markii lala dhacay Rasaas xoogan oo si ba’an u waxyeeleysay jirkooda.

Boliiska Israa’iil ayaa baadi goob ugu jira sidii ay usoo qaban lahaayeen kooxha weerarka geystay, welina lama soo sheegin cid ay gacanta ku dhigeen.

Maalintii shalay ayaa Haweeney Falastiini ah waxay Mindi la dhacday Askari Yahuudi ah oo dhaawacday, Maalintii Jimca ayaa sidoo kale waxa geeriyooday Nin Yahuudi ahaa oo rasaas xoogan lagu weeraray xilli uu ku sugnaa Daanta Galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran