Ciidmada Gaashaan Buurta Naato oo Qarax Weyn lagula eegtay Magaalada Caasimada u ah Afgaanistaan.

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Xulafada ah ee ku sugan Wadanka Afgaanistaan ayaa Maanta waxa lala eegtay qarax.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay wadada aada Garoonka Diyaaradaha ee Kapul meel wax ka yar 500 Mitir u jirta Safaarada Mareekanka uu ku leeyahay Magaaladaasi.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu dhuftay Gaari ay wateen Xulafada Naato kaas oo bur buriyey inta badan gaariga qaraxa lagu dhuftay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afghanistan Sediq Sediqqi ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid is qarxin ah oo lala beegsaday Ciidamada shisheeye ee ku sugan Kapul.

Taliye kuxigeenka Booliska magaalada Kapul Sayed Gul Aga Rohani ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas, balse ma aanu bixin faah faahin dheeri ah.

Ururada Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Caalamka ayaa bishan Barakeysan ee Ramadaan si weyn u kordhiyey Weerarada y ku hayaan Ciidamada iyo Dowladaha ay kula dagaalamayaan Wadamada ay ku xooganyihiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran