Kulan looga hadlayey Amaanka iyo Soo Celinta Deegaanada weli ay haystaan Maleeshiyada Dhulboob oo ka dhacay Nambar 50.

Kulan ballaaran oo ay ka qayb qaateen Inta badan Saraakiisha Ciidamada Deegaanka islamarkaana looga hadlayey arimo kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Nambar 50.

Kulnka ayaa waxa shir gudoominayey Gudoomiyaha Nambar 50, waxaana goob jooga ahaa Gud ku xigeenka dhinaca Siyaasada Nambar50 kuxigeenka Amniga,Taliyaha Ciidamada Deegaanka, Abaan duuliyaha Ciidamada Deegaanka iyo guud ahaanba Saraakiisha deegaanka.

Mas’uuliyiinta qaar ee shirka joogtay ayaa looga yeeray furimaha hore ee Ciidamada Deegaanka ay kaga suganyihiin Danada,Muuri iyo Busley daa’uud.

Ujeedka shirkan ayaa lahaa sababo kala duwan, waxaana laga xusi karaa sidii loo sii adkeenlahaa amaanka Deegaanada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Deegaanka iyo sidii loo soo celin lahaa dhulka weli ku harsan gacanta Maleeshiyada soo duushay.

Inta uu soo socday Shirka ayaa waxa warbixino looga dhegeystay Saraakiil ay ka mid yihiin Col. Maxamed Sheekh Xasan Taliyaha Ciidamada Soomajeestayaasha Deegaanka iyo Saraakiil kale kuwaas oo ku aadanaa xogta kala duwan ee laga hayo Cadowga ay horfadhiyaan iyo qaabka ugu sahlan ee looga fara maroojin karo deegaanada tirade yare ee ay kaga harsanyihiin Dhulka Umadan Alla uu makaniyey oo dhibaatooyin xooog badan ay ku hayaan.

Sidoo kale warbxin ayaa halkaasi waxa looga dhegeystay Gudoomiye ku xigeen Amniga Nambra 50 oo isaga ka warbixiyey sida uu yahay amaanka deegaanada ay ku suganyihiin Ciidamada Deegaanka.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Siyaasada ee Nambar 50 Cabdow Abuukar Axmed ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Shalambood iyo Janaale ay sugayaan in laga dul qaado heeriyada ku dul habsatay “Shacabkeenas ku sugan Janaale,Buufow,shalambood iyo meelaha la midka ah anagay ina sugayaan, ogaada fadhi nooma yaalo inta weli cadow haysto deegaanadeena” ayuu yiri Gudoomiye Cabdow Abuukar.

“Cadowga waa ku hurdooyaa in Maalin uun aanu joogi doonin deeganada ay hada dhibaatada ka wadaan laakiin wuxuu usoo diyaar garoobay inuu ku dhinto ku dhaawacmo anaga si la mid ah waxaan leenahay waan ku shahaado qaadaneynaa soo celinta dhulkeena dadkeenana xornimo waan gaarsiineynaa insha allah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdow Abuukar.

Ugu dambeyntii waxa Kulanka Saraakiisha soo xeray C/hi Waafow oo hambalyo iyo bogaadin u jeediyey Ciidamada Deegaanka kuna booriyey inay ka daalin xoreynta dhulkooda.

Hadaba kulankan ka dhacay Degmada Nambar 50 ee ay wada qaateen Saraakiisha Ciidamada Deegaanka iyo hogaankooda ayaa imaanaya xilli dadka tirade yar ee ku nool deeganada ay gobolka kaga suganyihiin Maleeshiyada Arxan laabayaasha ay sugayaan inay ku hoos noolaadaan Maamul ay iyaga ku qanacsanyihiin Maadaama ay hada la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo kaga imaanaya Maleeshiyadaasi.

 

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE