Mas’uul ka tirsan wasaarada beeraha ee Dowlada oo lagu dily Afgooye.

Sarkaal ka tirsan wasaarada beeraha Somaliya ayaa maanta lagu toogtay bartamaha magalada Afgoye ee gobolka Sh/hoose,dilka waxa geystay kooxo ku hubeysan bustoolado, isla markaasna baxsaday.

Sarkaalkaan oo lagu magacabi jiray Maxamed Gurufay ayaa ka tirsana xafiis ay ku lahayd wasaarada beeraha Somaliya, lama garanayo sababta ka danbeysay dilkiisa.

Ilaa hadda maamulka deg.Afgoye ma sheegin cid ay u soo qabteen cidii geysatay dalka, waxa caadi ah in ay sheegaan maamulada waa ku raad joogna isla markaasna lama arko wax ay soo qabtaan oo la hor keeno sharciga.

Dagalamayaasha Al-Shabaab ayaa kordhiyay beegsiga shaqaalaha dawladda iyo ciidamada bishaan Ramadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran