Odayaash Ismagacaabay oo Muqdisho kulan kula qaatay Kaaba Mooryaanta Xilli laga horyimid Damacoodii Waalnaa (Warbixin).

Odyaasha Ismagacaabay ee Muqdisho ku sugan ayaa ku guul dareystay in Maamulkii Afgooye lagu soo dhisay ay soo dhaafiyaan Muqdisho xilli baqdinta laga qabo Deegaanka ay gaartay meeshii ugu sareysay.

Waxa jiray Shirar kala duwan oo lala qaatay inta badan dadka waxgalka u ah Bulshada oo lagala hadlay sida ugu macquulsan ee Maamulka lagu galbin karo, shir kasta ayaa ku idlaanayey isfaham la’aan iyadoona dadka lala kulmay ay ka wada sinnaayeen fikirka ay ka qabaan Maamulka.

Kooxo Calooshooda u shaqeytayaal ah oo howshuudu ahayd si ay warbxin uga keenaan Marka iyo Nambar 50 ayaa loo soo diray Deegaanka, warbxin ay u geeyeen Odayaasha ismagacaabay ayey ku sheegeen inay jirin rajo laga qabo dadka deegaanka oo ku aadan in Maaulkaasi uu meesha ku nabad gali karo.

Galbinta Maamulka ayaa markii hore waxa dhabarka u ritay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Kaaba Mooryaanta Shabelle State oo ay ugu horeeyaan Cali Nuure iyo Jacfar hase ahaatee kaaba Mooryaanta oo aanan ka fakirin waxa kaga imaan kara deegaanka ayaa markii dambe ka gaabsaday galbinta Maamulka Shariif uusoo magacaabay.

Iyadoo weli la raadinayo Cida sida awooda leh ugalbin lahayd marba hadii ay meesha ka baxeen Kaaba Mooryaanta Shabelle State ayna jirin kalsooni buuxda oo lagu qabo deegaanka oo si toos ah u diiday ayaa arinkaasi waxa lagala hadlay Ku xigeenka Wasiirka Gaashaandhiga oo isagana dhankiisa balan qaaday inuu ku galbin doono Hal Guuto oo ka tirsan Ciidamada Dowlada si Guutadaas shaqa abuur looga dhigo howsha.

Odayaasha Ismagacaabay ayaa ku kalsoonaan waayey in sidaasi ay ku qaataan Maamul lagu galbinayo Hal Guuto iyadoo Maamulka looga fadhiyo inuu sii amba qaado howlaha laga doonayo Maadaama Guutada ay ahayn mid sii joogaysa Marka.

Kulan si qarsoodi ah u dhacay ayaa Muqdisho waxa lagula qaatay Kaaba Mooryaanta uu ugu horeeyo Cabdul oo si toos ah loogu sheegay in Deegaanka uu ka horyimid qaabka loo magacaabay Maamulka, hadii la tago Markana ay suuragal tahay inuu dhaco Dagaal markale dib loogu laabto raadadka la duugay ee sida dalaalnimada ah ay ugu shqeeyeen Odayaasha ismagacaabay.

Kaaba Mooryaanta ayaa Codsaday in la siiyo Wqti ay kusoo tashtaan si ay go’aan uga qaataan warka ka yimid Dalaaliinta ugu wakiilka ahayd dadka deegaanka.

Waxa la sugaaba waa go’aanka ay lasoo shirtagaan Kaaba Mooryaanta iyo sida uu isku waafaqo rabitaanka Dalaaliintooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE