Deg Deg Shirkii Ahlu Sunna ay dhigtay Dhuusmareeb oo lagu doortay Madaxweyne labada gobol ee Mudug iyo Gelgaduud

Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee dalka Somalia ayaa ku dhawaaqay Madaxweyne cusub oo uu yeesho Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ergada ka qaybgalaysa Shirka Ahlu Sunna gogoshiisa ay dhigtay Magaalada Dhuusamareeb ayaa doortay maanta Madaxweynaha uu yeelanaayo Maamulka Ahlu Sunna ay wadato.

Waxaa Madaxweyne loo doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Guddoomiyihii Golaha Fulinta Ururka Ahlu Sunna Gobolada Dhexe, wuxuuna ka guuleystay oo la tartamaayay Wasiirkii Arimaha Gudaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen iyo Afhayeenkii Maamulkaasi Careys Maxamed Xaaji.

313 Ergo gaaraysa ayaa ku sugneyd hoolka Villa Barwaaqo ee Magaalada Dhuusamareeb ee maanta Madaxweynaha loogu doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Ahlu Sunna ayaa dedejisay qorshaha Maamulkaan, xilli 04 Bishan lagu wado in Magaalada Cadaado ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha uu yeelanaayo Maamulka Galmudug.

Waxalabada gobol Mudug iyo Gelguduud ku soo kordhay jawhwareer hor leh madaama ay u muuqato in ay yeelanayaan laba madaxweyne, waa la arkidoonaa meesha ay caga dhigataan goboladaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE