Maamulka Afgooye oo Baqdib darted isaga Baxay Xarumahoodii.

Maamulka Cusub ee Degmada Afgooye oo dhawaan la magacaabay ayaa faarujiyey Xarumahoodii ka dib markii ay soo wajahday baqdin xoogan oo kaga imaaneysa Dagaalyahaanada Shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Maamulka uu soo wajahaya Culeys Xoogan taasna ay sababtay inay u gurtaan Magaalada Muqdisho.

waxaa saake haawanayey siday sheegayaan dadka reer Afgooye Xarumihii Maamulka oo aanu jirin Mas’uul soo shaqa tagay.

Sidoo kale waxa ku jira xubnaha isaga baxaya Afgooye Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Seddaxda Gobol ee Sahariif Xasan uu hugaamiyo kuwaa oo beryihii ugu dambeeyey deegaansanayey Afgooye.

Maamulka oo dhawaan lagu dhawaaqay ayaa ahaa mid ay si weyn uga soo horjeedeen Dadka deegaanka oo u arkayey inaanu ku imaan rabitaankooda.

Baqdintan ayaa sidoo kale saameysay Maleeshiyaad ka tirsanaa Dowlada oo lagu arki jirey Wadooyinka iyo xaafadaha, waxaana hada lasoo sheegayaa inay isku qarinayaan godad iyo dhufesyo ay ka sameesteen agagaarka Baar Ismaciil.

Saacidhii lasoo dhaafay Degmada Afgooye waxa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsanaa Waaxyaha Maamulka.

Tani ayaa imaanaysa xilli Dagaalamayaasha Shabaab ay si weyn Culeysyo u saareen Degmooyin ay ka mid yihiin Afgooye oo ay u aragtos inay halbowle u tahay Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur galbeed.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran