Shabaab ayaa soo bandhigatay Sawirada Weerarkii ay ku qaadeen Deegaanka Leego.

Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Alshabaab ayaa baahiyey Sawiro muujinaya sida uu u dhacay Weerarkii ay ku qaadeen Xerada Ciidanka Amisom uu kulahaa Deegaanka Leego.

Sawirada la baahiyey ayaa muujinaya Meydadka Ciidamada Burindi oo daadsan Xerada gudaheeda iyo banaankeeda, saanad Milateri oo aad u xoogan, quryaha lidka diyaaradaha oo ay ka mid yihiin Madaafiicda goobta iyo qoriga loo yaqaan Teedhi Sawan iyo hub kale.

Sidoo kale waxa muuqanaya Dagaalyahaano Shabaab ah oo xabado ka tuuraya Difaacyada dushooda taas oo muujinaysa sida difaacyada loogu daatay Ciidamadii Amisom ee Difaacyada ku jiray.

Markaad si quman u eegto Sawirada ayaa waxa kuu soo baxaya in weerarka uu ahaa mid xoogan isla markaana lagu furtay Rasaas tira badan khasaarana lagu gaarsiiyey Amisom.

0Q9wNy 2sC2Gj 3XSgPy 5Gjy1Q 5V4h6U 09jqle 9V3WoP a1dN3j AHnhKs cayASl e38M1v FEjtac Fj7qXE fq9UPj fWlvks H57MmQ kqUaA3 M38IRC nUm5b4 qcD3g9 ro0xkc s9ogIB Snbfze SThjRu tz7MHc UfsyLr UtROnW V3Npob vDWuVZ VLlghK Wa20d9 WKUgm3 yNwTQQ

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran