Wadahadalada Hubka Nuliyerkan Iiraan oo dib loo dhigay.

Wadahadaladii u dhaxeeyey Dowladaha Reer Galbeed iyo Dowlada Iiraan eek u saabsanaaa bacriminta Hubka sida weyn wax u gumaada ee Iiraan sameysaneyso ayaa lagu daray waqti kale oo dheeri ah.

Shirarka looga arinsanyey Xakameynta Hubka oo ka socday Magaalada Vienna ayaan weli waxa kasoo bixin heshiis ay ku wada qancsanyihiin dhinacyada Shirka qayb galaya.

Dowlada Iran ayaa weli kasoo horjeeda in kormeerayaal caalami ah tagaan dhamaan xarumahooda militariga iyo kuwa Nukliyerka, balse waxay Iran ogolaatay in hoos u dhigto kobcinta Yuraaniyumka iyo guud ahaa barnaamijkeeda Nukliyeerka. Iran ayaa dhinaca kale codsaneysa in laga qaado cunaqabateynta dhaqaale iyo ganacsi ee saran.

Dalalka uu hogaaminayo Maraykanka ayaa doonaya in Iran ay ogolaato in la kormeero xarumaheeda si loo xaqiijiyo in ay hoos u dhigtay Barnaamijkeeda Nukliyeerka, isla markaana muddo 10 sano ah la hakiyo inta badan mashaariicda Nukliyeerka ee Iran.

Madaxweyne Obama ayaa horey u sheegay inuusan aqbalayn hsehiis dhameystiran wuxuuna ku goodiyey in Dowlada Mareekanka ay ka bixi doonta wadahadalada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE