Ciidamada Amisom oo Faarujiyey Fariisimyaal ay ku lahaayeen Gobolka Shabeelada hoose.

Wararka ka imaanaya Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in Halkaasi ay isaga baxeen Ciidamada Amisom oo fariisin ku lahaa.

Ciidamadan ayaa dhawaan kasoo baxay Deegaanka Tooratoorow ee Galbeedka Shabeelada hoose.

Dad ku sugan Degmadaas ayaa sheegaya in Ciidamada Faarujiyey Awdheegle ay u ruqaansadeen dhinaca Degmada Afgooye.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Ciidamadii fariisinka ku lahaa Deegaanka Buufow bacaad iyagana ay baneeyeen fariisinkii ay degenaayeen.

Waxaa jirta siday wararku tilmaamayaan Cabsi xoogan oo soo wajahday Maleeshiyaadka Dowlada ee ku sugnaa fariisimayaasha ay baneeyen Ciidamada Amisom.

Waxaan la ogaan Karin Sababta ka dambeysa in Ciidamada Amisom ay baneeyaan Fariisimayaal ay ku lahayaeen Shabeelada hoose, waxaana dhawaan jirtay in Amisom ay isaga soo baxday Leego iyo Toortoorow.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE