Faafaahin laga helayo Nin Nabadoon ahaa oo Xalay lagu dilaya Degmada Afgooye.

Waxa fiidnimadii Xalay Kooxo hubeeysan ay Gudaha Degmada afgooye ee Gobolka sahbeelaha hoose ku dileen nabadoon si weyn logu yaqaanay Gudaha Degmada Afgooye.

Nabadoonka ayaa xiliga la dilyay waxa uu hor taagna gurigiisa waxana dilka u geystay rag bastoolado ku hubeysna kuwas oo madaxa ugu dhuftay Nabadoonka dhowr xabadood.

Nabadoonka lagu dilay afgooye ayaa lagu magacaabi jiray cali Gaab.

Dilka ka dib waxa goobta soo gaaray ciidamo Katirsan kuwa Dowlada soomaaliya iyadoona howlgalo ka sameeyay goobta ninka nabadoonka aha lagu dilay.

Warar aan helnaya ayaa sheegaya in Nabadoonka Xalay lagu dilaya Afgooye uu ka tirsanaa Odayaasha dhaqanka ee Afgooye islamarkaan la shaqeyn jirtay Maamulka Seddaxda gobol ee Koonfurgalbeed.

Afgooye yaa marti gelinaysa dilal kala duwan oo loo geysanayo Nabadoono iyo xubno ka mid ah Maamulka Afgooye, waxaana jirin tallaabo uu qaaday Maamulka oo ku aadan ka hortagidda falalk amni daro ee Afgooye ka dhacaya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE