Madaxweynaha Masar oo Sheegay in Magaca laga bedeli doono Fagaare ku yaala Masar.

Madax Weynaha Wadanka Masar C/fataax Al siisi ayaa ku howlan inuu magaca ka bedelo Fagaaraja weyn ee Rabaa quare ee magaalada Qaahira isla markaana loogu magacdari doono Hesham Barakat oo ah xeer ilaaliyihii guud ee dalka Masar.

Al sisi ayaa hadalkan ka jeediyey aas qaran oo loo sameeyey Xeer ilaaliyihii guud ee Masar oo qarax Bambaano lagu qaarijiyey.

Madaxweyne Sisi ayaa ku hanjabay in Dowladiisa qaadi doonto tallaabooyin looga hortagayo weerarada kooxha kasoo horjeeda ay ka fulinayaan Wadankiisa.

Madaxwaynaha Masar ayaa sheegay in dib u eegis lagu samayn doono sharciyada ciqaabta dambiileyaasha si loogu adeegsado kooxaha qaraxyada ka gaysta dalkaasi Masar.

Fagaaraha Haatan madaxwayne Sisi uu sheegay in magaca laga badalay, waxaa lagu dilay boqolaal ka tirsan taageereyaasha ururka Akhwaanul Muslimiin intii uu socday afgambigii Militarigu ku sameeyeen Xukuumaddii ugu horaysay ee lasoo doortay ee madaxwayne Maxamed Mursi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE