Weerar lagu dilay Oday dhaqameed iyo dad kalana lagu dhaawacay oo xalay ka dhacay Muqdisho.

Wararka aan ka heleyno Muqdisho ayaa timaamaya in Xalay fiidkii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Masaajid ku yaala xaafada Gubta ee Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa Markii uu dhacayey waxa Masaajidka kuwada sugnaa dad dukanayey Salaada Cishaha, waxaana kooxha hubeysan ay beegsadeen Oday dhaqameed ka mid ahaa ragii tukanayey.

Kooxha Hubeysan ayaa Masaajidka waxay ku dileen Oday Magciisa lagu sheegay Nabadoon Cabdi Macalin Maxamuud oo ka mid ahaa dadka xaafada Gubta ee degmada Dayniile.

Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay Nabadoon kale oo magaciisa lagu sheegay Ibraahin Maxamed Sabriye, sidoo kale waxa ku dhaawacmay Imaamka Masjidka Sheekh Axmed Xasan, iyadoo nin kale oo dhalinyaro ahaa uu isna ku dhaawacmay. Ninkaasi waxaa magaciisa lagu sheegay C/qaadir Maxamed.

Kooxihii weerarkaasi Masjidka ku qaaday ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana jiray howlgal ay sameeyeen Ciidamada amaanka ee Degmaas islamarkaana ay kusoo qabteen Wiil dhalanyara ahaa oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa weerarka Odeyga lagu dilay dadkalana lagu dhaawacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxa kusii kordhaya dilal loo geysanayo Nabadoonada, iyadoona aan la ogeyn sababta ka dambeysa dilalka sii baahaya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran