Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddiga diyaarinta xuska 1-da Agoosto.

Puntland ayaa xuseysa marka la gaaro 1-da Agoosto xilligii la aas aasay,taaso ka dhigaysa xukun dowladeed inuu gobolladan ka jiray muddo toddobo iyo tobon sanno ah.

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed ayaa xilli hore magacaabay guddiga diyaarinta maamuska 1-da Agoosto oo si guud looga xuso gobollada Puntland.

Guddiga oo heer wasiirro ah waxaa ay ka kooban-yihiin sideed wasaaradood,waxaana ay dowladdu doonaysa xuska sanadkan inuu noqdo mid mug-weyn.

Guddiga waxaa ay kala-yihiin:-

1-Wasaaradda howlaha Guud

2-Wasaaradda Maaliyadda

3- Wasaaradda waxbarashada

4- Wasaaradda arrimaha gudaha

5- Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha

6- Wasaaradda Haweenka

7- Wasaaradda Warfaafinta

8- Wasaaradda Amni

Guddigan waxaa ay shaqadooda tahay inay abaabulan munaasabadaha xuska 1-da Agoosto oo si wada-jir ah Puntland looga xusayo,halka ay jiraan xalfaddo kale oo ka dhacaya dalalka ay ku nool-yihiin dadka ka soo jeeda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhankiisa ugu baaqay shacabka inay u diyaargarooban soo dhaweynta munaasabadda lugu xusayo waqtigii la aas aasay Puntland oo laga joogo 17-sanno.

Puntland oo la dhisay sanadkii 1998,waxaa lugu sheegay dhulka ay Soomaalida degto kuwooda nabdoon horayna ugu socda dhabaha horumarka.

isha: Raxanreeb.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE