Ciidamada dowlada oo bilaabay inay hubkooda ku iibiyaan qiimo aad u jaban iyo Alshabaab oo fursadaas ka faaideysaneysa.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Ciidamada Dowladda Somaliya ay bilaabeen inay iska iibiyaan hubka iyo rasaasta, ay kula dagaalamayaan xarakada mujaahidiinta Al Shabaab, oo dagaal kula jira  Dowladda.

maleeshiyada ku magacaaban Ciidamada Qalabka Sida, ayaan wax mushaaraad ah ka helin Xukuumadda Somaliya, wixii ka dambeeyay bishii January, oo ay Xukuumadda ka heleen mushaaraad muddo laba bilood ah, oo ka maqneyd billihii November iyo December.

Madaxtooyada Muqdisho waxaa lagu bartay inay ku fiicnayn bixinta mushaaraadka maleeshiyada u diiwaan gashan, taas oo ugu dambeyn ay ka dhalatay inay iibiyaan hubkii markii hore qaab qabiil loogu qeybiyay.

qaar katirsan horjoogayaasha maleeshiyadaan ayaa cudurdaar u yeela tallaaba kasta oo ay qaadaan maleeshiyadan ku magacaaban Ciidamada Dowladda, haddii baahidoodu ay joogto tahay, isla-markaana aysan heln gunnadii markii hore lagu dagaal geliyay.

Mararka qaarkood waxay dhegahaagu maqlayaan hadalo aysan maqalkoodu wanaagsanayn, oo ka dhan ah maleeshiyadan ku magacaaban Ciidamada Dowladda, oo ka imaanaya qaybaha bulshada, kuwaa oo kuu sheegaaya Ciidamada Dowladda in dhac ay ka gaystaan dhulka ay ka arrimiso Dowladda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE