Hogaamiye Daacish oo lagu dilay duqeyn ay fulisay Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Hogaamiye sare oo ka tirsan Dowladda Islaamiga ayaa lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drone.

Saraakiil ka tirsan Milateriga Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Tariq bin al-Tahar al-Falih al-Awni al-Harzi lagu dilay weerar bishii hore ka dhacay dalka Suuriya.

Ninkan ayaa waxaa horay Mareykanka uu madaxiisa u dul dhigay illaa 3-milyan oo dollar, waxaana uu ahaa Amiirka Kooxda fulisa Is qarxinta.

Daacish ayaa wali ka hadlin wararka sheegaya dhimashada sarkaalkan, waxaana la sheegay in lagu dilay weerar 16-kii bishii June ka dhacday magaalada la yiraahdo Shadadi oo ka tirsan Suuriya.

Sidoo kale waxaa la rumeysan yahay in ninkan uu caawiyay dagaalyahano ka yimid dalalka UK, Albania iyo Denmark, kuwaasoo ku biiray Daacish.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka ayaa sheegay in dhimashada Mr Harzi ay dhabar jab ku tahay Daacish.

Xulafada uu hogaamiyo Mareykanka ayaa weeraro cirka ah ku haya Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee ka howl gasha wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran