Wararkii ugu dambeeyey Degmada Qoryooley iyo Ciidamada Amisom oo Fariisin Faarujiyey.

Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in Ciidamada Amisom oo laba fariisin ku lahaa Degmaas ay isaga baxeen mid ka mid ah fariisimyaashii ay ku jireen.

Labada Fariisin ayaa kala ahaa Bariga Degmada gaar ahaan meel u dhow Wabiga oo ah afaafaka hore ee laga galo oo ay fariisin ku lahaayeen iyo Galbeedka wadad aada Farsooley oo isaga fariisin u ahaa Amisom.

War goordhow soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Amisom ay kasoo baxeen fariisinkii dhanka galbeed xigay ee wadada aada Farsooley, wararka ayaa intaasi ku daraya inay isugu yimaadeen fariisinkii dhinaca Bariga ku yiilay.

Dad la hadlay Marlacadey.com ayaa sheegaya inay suuragal tahay in Amisom guud ahaanba laga yaabo inay isaga baxdo Qoryooley oo hada la dareemayo saasaanta arintaasi ku saabsan.

Degmada waxa horey sidoo kale u joogay Maleeshiyaad tirayar oo aan awood u lahayn inay sii joogaan Qoryooley marba hadii ay meesha baneyso Amisom.

Goob joogaha la hadlay Markacadey ayaa tilmaamay in baqdin ay soo wajahday Maleeshiyada.

Waxaan ugub ahayn in Ciidamo Amisom ah ay baneeyaan fariisimyaal ay ku lahaayeen Shabeelada hoose, Xalaya ayaa Amisom waxay isaga baxday Awdheegle waxaana kasii horeeyey Tooratoorow iyo Leego.

Tan iyo Markii Amisom jab xoogan lagu gaarsiiyey Weerarkii Leeego ayaa waxa soo baxayey baqdinta Amisoaam kasoo wajahday Dagaalyahaanada Shabaab.

Dagaalamayaasha Shabaab ayaa soo buux dhaafiyey dhamaan wadooyinka Degmada Qoryooley, waxaana la filan karaa in saacad kasta ay shabaabka gudaha u galaan Maadaama aynaan jirin cid ka hortaagan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran