Xeradii Amisom ee Deegaanka Golweyno oo Maanta ay daaqayeen Xoolaha dadka Deegaankaas.

Deegaanka Golweyn oo ku dhow Deegaanka Buulo Mareer ayaa waxa isaga baxay Cidamada Amisom oo fariisin ku lahaa.

Amisom ayaa ka guuray Xerada iyagoona aaday Xero kale oo Amisom ay ku lahayd Deegaanka Buulo.

Dada ku sugan Golweyn ayaa goordhow Markacadey.com u sheegay in Xerada ay Maanta ahayd goob lagu daajiyo Xoolaha ay leeyihiin dadka deegaanka.

“Xerada ay ka guureen Amisom goordhow ayaan soo maray xoolo ayaa dhex daaqayey, Ari lo’ayaan dhexda ugu jiray naq fiican ayaa iiga muuqday, awalba meel beero ah ayey ahayd” ayuu yiri Nin ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamada Amisom ayaa sii luminaya Deegaano kala duwan oo ay kaga sugnaayeen Gobolka Shabeelada hoose.

Maalihii lasoo dhaafay ayaa gacanta Ciidamada Amisom wax aka baxay Degmooyinka Qoryooley, Awdheegle,tooratoorow iyo Buufow Bacaad.

Deegaanada qaar ee ka baxay gacanta Ciidamada Amisom ayaa waxa fariisimo ka sameystay Xarakada Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran