Xisbiga Kulan oo 50-xubnood Tababar ugu furay magaalada Muqdisho.

Xisbigu Kulan oo ka mid ah Xisbiyada siyaasada ee dalka ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay tababarkii kowaad ee Xubnaha cusub ee Xisbiga Kulan, xubnahaas oo tiradooda gaarayso 50 Xubnood.

Tababarka waxaa qabanqaabiyay “Xarunta Kobcinta Aqoonta & La talinta” (Center for Capacity Building and Consultants).

Gudoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Banaadir Mudane Prof Maxamed Macalin Cumar Meyre oo xaflada furitaan ka hadlay ayaa yiri “Tababrkaan waxa uu ugu horeeyaa tababaro loogu talo galay xubnaha cusub ee xisbiga, waxana lagu baranayaa; Taariikhda Xisbiyada Soomaaliyeed, Xeerka Xisbiga, Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga, doorashooyinka, & Waajibaadka laga rabo xubnaha Xisbiga Kulan”

Prof Meyre ayaa intaa ku daray “Siminaarkaan waxaa uu soconayaa 10 saacadood, waxana duruusta bixinaya Marwo Safiyo Abuukar Karaani, Mudane Axmed Gacal Cali (Carabow) , Mudane Avv. Xasan Cali Axmed, Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Gudoomiyaha Xisbiga, dhamaantood waan u mahad celinayaa”

Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mudane Muxyadiin Maxamed Xaaji oo xaflada furitaanka tababrka ka hadlay ayaa yiri “Waxan xisbiga Kulan ku soo dhaweynayaa xubanaha cusub ee xisbiga, sidoo kale waxan u mahad celinayaa Xaruunta Kobcinta aqoonta iyo la talinta oo soo qabanqaabisay tababarkan , iyadoo tababarkan uu horudhac u yahay marxalada xisbiyada badan oo uu dalku galayo loogana guurayo qaabkii awood qeybsiga ee qabiilka ku dhisnaa”

Gunaanadkii Xaflada Tababarka ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Xisbiga Kulan Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan-Barnaamij- isagoo yiri “Waxan hanbalyo u diraynaa Ummadda Soomaaliyeed maalmaha Usbuuca Xuriyada sida 26. 27, june iyo 1 Luuliyo, tababarkaan waa xuska saxda ah, si dalkeena u helo hogaan siyaasadeed oo tababaran, tababarkaan oo kale dhawaan ayaan gobolada dalka ku baahin doonaa si loo helo kaadirin xisbi”

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran