Deegaanka Buufow Bacaad oo lasoo dhoobay Maleeshiyaad tira badan Xilli ay halkaasi isaga baxeen Ciidamada Amisom.

Deegaanka Bufow Bacaad ee Duleedka Degmada Marka oo laba maalin ka hor ay isaga baxeen Ciidamada Amisom oo u ruqaansaday Difaaca ay ku leeyihiin Shalambood ayaa deegaanaas waxa lasoo dhoobay Maleeshiyaad tira badan.

 Maleshiyadan ayaa lagu soo xoojiyey kuwo kale oo horay u joohagay Buufow oo ka tirsan Maleeshiyada hoostagta Kaaba Mooryaan Xasan Jaamici.

Dadka Buufow ayaa sheegaya in Maleeshiyada hada deegaanka la keenay tir ahaan lagu qiyaasi karo ilaa ku dhawaad 90 Askari oo degay halkii ay ka guureen Amisom.

In la keeno Maleeshiyaad xoojin ah Deegaanka Buufow bacaad ayaa qayb ka ah dhibaatada lagu hayo deegaanka xilli laga baqdin qabo in Deegaankaas uu gacanta u galao Ciidamada Deegaanka oo mel u dhow fariisin ku leh.

Maleeshiyada ka bar bar dagaalama Amisom ayaa inta badan isaga baxay deegaanada ay faarujiyeen Ciidamada Amisom iyagoo isku aamini waayey inay kunoolaadaan deegaanadaas.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran