Deg Deg Wareega labaad ee Codbixinta Galmudug oo goor dhow soo gabagabowday.

Waxaa goordhow soo gaba gabowday codbixinta Wareega Labaad ee Codka Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Wareega Labaad ayaa waxa isku soo haray Seddax musharax oo kala ah C/kariin Xuseen Guuleed, Axmed Macallin Fiqi iyo Axmed Salaan Xaaji aadan.

C/karin iyo Fiqi ayuu u dhaxeeyaa loolanka ugu adag ee doorashada, ka dib markii ay heleen wareegii koowaad codad gaaray 29 Cod.

Waxa hada socda tirinta codadka oo musharaxa ku guulaysanaya laga doonayo inuu helo 45-Cod si uu u noqdo shakhsiga ugu codka badan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE