Maleeshiyada Axmed Absuge oo isaga baxay Degmada Janaale.

DSC02994Wararka ka imaanaya Degmaga Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen Maleeshiyadii uu hugaaminayey Axmed Absuge.

Saqdhii ee xalay ayaa wararku tilmaamayaan inay isaga baxeen Maleeshiyada ka dib markii fiidnimadiiba ay u diyaarsanaayeen Baneynta Janaale.

Ka bixitaanka Maleeshiyadan ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo wajahday cabsi xoogan oo kaga imaaneysa Dagaalyahaanada Shabaab oo soo buuxdhaafiyey Deegaanada hoosyimaada Degmadaasi.

Maleeshiyadan ayaa degenaa Saldhiga Janaale, waxayna dhibaato xoogan ay geysanayeen dadka deegaanka iyadooona lagu xusuusto Absuge inuu ahaa shakhsigii sida xoogan ula dagaalamay Ciidamadii Deegaanka ahaa markii ay ku sugnaayeen Janaale.

Maleeshiyada Absuge ayaa horey u faarujiyey Degmada Qoryooley oo uu haystay tan iyo markii alshabaab lagala wareegay.

DSC02994 Axmed Absuge ayaa Janaale ka ahaa Taliyey Saldhig, Gudomiye degmo iyo garsoore Maxkamadeed xilli uu kalsooni buuxda ah ku qabay Madaxweyaha Dowlada oo ay aad isugu dhowyohiin taasna ay keentay in Axmed Absuge iyo Maleeshoyadiisa laga qaban waayo dhibtaada ay ku hayeen Degmada Janaale.

Dadka reer janaale ayaa saake ku waabariistay Degmadooda oo ka madaxbanaan Maleeshiyadii dhibaateynaysay iyagoona wadooyinka isku weydiinayey ka bixitaankooda ka dib waxa xigi doona Janaale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE