Shariif Xasan oo si rasmi ah Fariisin uga Sameystay Shabeelada Hoose Xilli uu Nafsadiisa uu uga soo baqay Baydhaba.

Shariif Xasan Sheekh aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo ay sii yaraanaysay kalsoonida uu ku joogi lahaa Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ayaa fariisin rasmi ah waxa uu kasoo sameystay Shabeelada hoose.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Shariif uu isku aamini waayey Baydhaba islamarkaana uu ka baqayo in la qaarijiyo xilli ay jiraan loolan adag oo kasoo wajahaya Odayaasha dhaqanka iyo rag ka mid ah Maamulka Koonfur Galbeed.

Sababta Shariif ay uga aamin baxeen isagana uu isku aamini waayey Reer Baydhaba ayaa lagu sheegay in Balantii uu la galay Berigii uu waday ololaha doorashada Madaxtanimada koonfur Galbeed uu ugu baxay, taas bedelkeedana uu ka doorbiday in waqtiga uu la wadaago Kaaba Mooryaanta kasoo hayaantay Gobalada dhexe.

Shariif ayaa Bilooyinkii ugu dambeeyey fariisin ka sameystay Degmada Afgooye oo ay ku maamulayeen Kaaba Mooryaanta Shabelle State oo goor sii horeysay oo uu ku sameen xeray lacago lagau sheegay cadadkeeda 15 Kun oo doolar iyo jagooyin kala duwan oo balan qaad ahaa.

Dastuurka Koonfur galbeed ayaa qeexaya in Magaalada Xeebeeda Baraawe ay tahay Caasimada Maamulka Goboleedka Koonfur galbeed, mana jirto saansaan muujineysa in Shariif uu sii degi doono Baraawe.

Waxaa jirta Kalsooni xumo tii ugu xumeyd oo soo kala dhaxgashay Shariif iyo Shacabkii u hanweynaa Maamulkiisa taas oo meesha ka saareysa in sidii loo baahnaa uu usii shaqeeyo Maamulka Koonfurgalbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran