Waa Sidee Xaalka madaxweyne Shariif xasan Ma Fayow Yahey Mise Hada Lagu Soo Jiraa (Maqaal)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa mudooyinkii danbe ku mashquulsanaa Maamul u sameynta Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose oo aan jirin illaa hada cid ku qanacsan magacaabista maamuladaasi iyadoo shacabka qaarna ay muujiyeen diid madooda halka qaarka kale ay iska aamusan yihiin iyago u baqaaya Naftooda.

Shariif Xasan ayaa isagoon dhisin Baarlamaanka Maamulkiisa ayaa wuxuu ka bixi waayey u ololeynta Mooriyaanta Gobolka Shabeelaha Hoose inuu heshiisyo qarsoodi ah iyo kuwa kalaba la galo mooriyaantaasi oo u baahneyd maanta in laga dul qaado shacabka Shabeelaha Hoose walow taasi aysan dhicin ayaa wuxuu ku bedelay xilal muhiim ah inuu u dhiibo islamrkaana u ogolaaday kala qeybsashada dhaqaalaha gobolkaasi kaso baxa isaga iyo iyaga waa arin la yaab leh waxaanba ka xishoonayaa inaan qoro waxyaabahani oo kale balse waa wax jira una baahan in laga hadlo marwalba.

Ujeedada Shariif xasan mexey tahey ? su’aashan ayaa marar badan soo noq noqotay oo ay dadka intooda badan isweydiinayaan maxaase la dhihi karaa Madaxweyne umadda Guryahooda intuu ka saaro siinaya mooriyaantii heeysatey halkaasi ma cabsi baa mise qorshe siyaasadeed kale ayaa ku hoos jiro , kadib markaan wareystay qaar ka mid ah  Odayaasha Dhaqanka , siyaasiyiin iyo wax garad kasoo jeedo Shabeelaha hoose  ayaa waxaa ino cadaatey in Shariif Xasan uusan aheyn Madaxweynaha Mustaqbalka Koonfur Galbeed Somaliya balse uu yahey madaxweynaha Dhibaatada Shacabka Koonfur Galbeed , markaan usoo noqdo ujeedada Shariif Xasan Sheekh Aadan maaha inuu si daacada u hormariyo shacabkan oo iska dhibaateysna in mudda ah ee ujeedada uu korsiga uga fariistay ayaa waxeeey tahey kaliya in dano gaar ah uu isaga leeyahay iyo kuwa dad kale ay leeyihiin uga fuliyo iyadoo la rabo in danahaasi lagu gaaro Hogaaminta Maamulka Koonfur Galbeed Sida Hiigsiga 2016 oo Billo Kadib la filayo ineey dhacdo. hadaba daneysigani gaarka ah dhibaato intee la eg ayuu u geeysan karaa Shacabka  runtii lama qiyaaso karo ayaan dhihi lahaa mar hadii cid walba ay maamulkooda iyo dadkooda ay ka fekerayaan balse Digil&Mirifle iyo dadka ay wada dagaan amaba aan dhoho Koonfur Galbeed lagu daneysto oo ay horseed u noqdaan dad aan damiir laheyn oo dano gaar ah kaliya ka fekero.

Shariif xasan ayaa inta uu madaxweynaha ka noqday maamulkaasi waxa uu ka bixi la’ayahay safar aan la shaacineyn waxa uu yahey taasi micnaheeda ay tahey in socdaalkiisa inta badan uu yahey mid isaga qaas u ah , waxaan maalmihi u danbeeyey Shariif Xasan uu ku maareysanayey gobolka dhaqaalaha ee shabeelaha hoose gaar ahaan degmada Afgooye oo gabi ahaan ay maamulaan mooriyaanta Gobolada Dhexe , inta badan Shacabka Koonfur galbeed si buuxda ayey  kalsoonida  kala noqdeen Shariif Xasan majirto cid aad wareysato xaalada maamulkaasi iyo xaalada Gobolada Koonfur galbeed oo si bosetiif ah kaaga faalooneysa taasi waxey ku tuseysaa in wax kalsooni ah ama  rajo ah aan laga qabin madaxweynaheyna Shariif Xasan ee Koonfur Galbeed , Mar hadii gurigii mooriyaanta uu ka bixi la’ayahay waxaa soo deeqi weysay Magaalada Baydhabo ama wuxuu lasoo cararay naftiisa cabsi darteed warar hoose ayaan maqlaayey in Shariifka iyo Reer Baydhabo uu khilaaf so kala dhexgalay iyado wararka qaar ay sheegayeen in balan qaadyo uu uga baxey islamarkaana taasi ay ka careysiisay qaar kamid ah odayaasha iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed taasna ay sawabtey inuu ku badnaado gobolka Shabeelaha hoose oo ay joogaan mooriyaanta saaxiibadiisa ah ,aan aragno Shariif xasanow illaa meesha aad gaari doonto aan aragno iyo xiliga aad ka deyn doonto dhibaatada aad ku heyso Shacabka  Shabeelaha Hoose oo xaqooda lagu tumto inta badan waxaanse ugu danbeyn dhihi lahaa intuu wareega iska daayo haso dhisto Baarlamaankiisa mase isagaana dan ugu jirin dhisidda Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

W/Q : Sihaam Cali

Email: sihaama2015@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran