Ciidamada Dowlada oo Dib ula Wareegay Gacan ku heynta Wanlaweyn.

Degmada Wanla weyn ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa si caadi ah kusoo laabatay ka dib markii Ciidamada Dowlada ay kusoo laabten Aroornimadii saake.

Xarakada Shabaab ayaa xalay Fiidkii la wareegtay Wanlaweyn iyagoona dadka kula hadlay Masaajida una sheegay inay ka fogaadaan lashaqaynta Ciidamada dowlada iyo Amisom.

Islaxalay saqdii dhexe Dagaalyahaanada Shabaab ayaa dib uga laabtaya qabsashada Wanlaweyn waxaana saake la arkayey Ciidamada Dowlada oo kusoo laabtay Wanlaweyn.

Shabaab ayaa culeyso ku haya Degmooyinka Shabeelada oose, waxaana jira weeraro aan kala joogsi lahayn oo ku qaadayaan Degmooyinka ay gacanta ku hayso Dowlada.

Degmadaa Awdheegle iyo Deegaano kalae ayaa waxa si buuxda gacan ku heyntooda u xaqiijianaya Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE